Hormuud Salaam Foundation

Job Creation

Plugs

Micro Finance ( Qardhu Xasana)

Salaam Somali Bank ayaa bilowday 2010, mashruuc lagu maal galinayo ganacsatada heysata ganacsiyada yaryar si loo dhiiri galiyo loona hubiyo sii jiritaanka ganacsiyadaas, ganacsatada waxey dib u  bixiyaan lacagaha lagumaalgaliyo qaab installment ah mudo sanad ah gudeheeda, waxaa ka faa’ideystay mashruucan in ka badan 3,000 (sadex kun) qofood oo ku  kala nool gobolada iyo deegaanada dalka gaar ahaan gobolada aay ka hawlgasho Hormuud Telecom iyo Salaam Bank. Waxaa hada soconaya cilmi baaris lagu baarayo saameynta iyo waxtarka ay ku yeelatay maalgalintani ganacsiyada  iyo nolasha 595 qof, kuwaas oo la maalgaliyey 2017, 2018 iyo 2019. Waxaa la filaa warbixinta cilmi baaristani in ay mar dhaw diyaar noqon doonto, taasoo lagu eegayo sida aay wax uga bedeshay nolosha dadka maalgelintaa loo sameeyey dadka Soomaaliyeed, iyo sidii loo sii hormarin lahaa ama loo casriyeyn lahaa maalgelintaa uu sameeyo Salaam Bank. Dhanka kale daraasada waxaa lagu ogaan doonaa maalgelintaa la sameeyo qeybaha sida wanaagsan usoo saara lacagta lagu maalgeliye iyo qeybaha aan sida wanaagsan u shaqeeyneeynin.

Salaam Entrepreneurship Fund (SEF)

Salaam Somaali bank aay ku dhawaaqay 29/02/2020, daahfurka mashruuca Maalgalinta Halabuurka Dhalinyarada, waxa mashruuca ku baxayo $5 Million, taas oo loogu talagalay dhalinyarda Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh si looga caawiyo ka miradhalinta fikradaha ganacsi ee ku taamayaan. Mashruucan, oo ay iska kaashan doonaan Salaam Somaali Bank iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud, wuxuu socon doonaa saddexda sano ee so socota waxaana ka faa’ideysan doono kumanaan dhalin Soomaaliyeed. Sidoo kale Mashruucani waxa uu xooga saari doonaa mashaariicda waxtarka u leh bulshada sida, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo farsamda casri.

English English Somali Somali