Humanitarian and Emergencies
Dab-damiska
Waaxda Dab-damiska ee Hormuud waxaa la bilaabay 2009, si loogu ilaaliyo hantida shirkada iyo tan dad-weynaha ayada oo ay ku hawlanyihiin damista dababka ka dhaca gudaka magalada Mogadishu iyo nawaaxigeeda. Waaxdu waxa ay saldhig ku leedahay xarumaha HQ1 iyo HQ3 waxeyna ku guuleysatay daminta 426 dab laga soo bilaabo waqtigii la asaasay ilaa iyo hada. Waxa mar waliba saro u sii kacaya sanad waliba sanadka ka danbeeya dababka ay daminayaan gudaha iyo nawaaxiga Mogadishu, sanadkii 2018 waxaa aay damiyeen dabdamisyada Hormuud Telecom, 68 Dab, halka sanadka 2019 , aay damiyeen 142 dab, kuwaasoo galaafan laha hantida iyo nafta dad badan oo Soomaaliyeed.
Daadadka iyo Abaaraha
HSF waxay si joogta ah u taakuleysaa dadka waxyeeladu ka soo gaaro daadadka iyo abaaraha ka dhacay had iyo jeed gobalada dalka Somalia. HSF sanadkan gudikiisa waxa ay ka geeysatay taageero muuqda daadadka ka dhacay gobolada Hiiran, Shabeellah Dhexe iyo Bari (Qardho). Abaarihii dhacay sanadkii 2017, HSF, waxaa aay ku bixisey lacag dhan $1.2m oo ku baxdey raashin , biyo iyo daawooyin, la gaarssiyey dadka aay abaaraha saameeyeen.
Mashruuca Ramadan
Ramadan Campaign, waa mashruuc balaaran oo ay hirgaliso sanad waliba markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan Hayada Homruud Salaam Foundation si loo taakuleeyo dadka danta yar sida Agoonta, Naafada, Maxaabiisata, dadka dhimirka ka xanuunsan, haweenka danta yar iyo barakacayaasha. Taakuleyta Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxa ay iskugu jirtaa raashinka noocyadiisa kala duwan iyo deeq lacageed oo lagu gudoonsiiyo dadka tabaaleysan. Waxaa ku baxda mashruucani sanad waliba miisaaniyad ku dhaw $ 300,000 (sedex boqol kun dollar)
COVID-19 Response 2020
Tan iyo markii laxaqiijiyay kiiskii ugu horeyey ee codurka Covid-19 gudaha magaalada Muqdishu hooraantii bishii March ayaa cudurku si xoogan ugu faafay maagaalda Muqdishu iyo dhamaan gobolada dalka. Xanuunkaan waxaa uu geystey, dhibaatooyin badan oo isugu jira dhimasho, bur bur dhaqaale, hoos u dhac adeegyada Bini’aadamnimo, joogsiga Waxbarashadii, Xayiraada dhamana duulimaadyadii gudaha dalka iyo dibadda iyo cadaadis ku yimid adeega caafimaadka. Waxaa bilowday wilina socda dadaalo aad u ballaaran oo aay hogaamineeyso Dowlada Somalia ayna qeyb ka yihiin Ganacsatada, Bulshada rayidka, Howlwadeenada Caafimaadka iyo Culumada. Shirkada Hormuud waxey safka hore uga jirtaa dadalada soconaya si loo xakameeyo cudurkani,waxaana aay shirkada ku dhawaaqday ineey uga qeybqaadaneeyso la tacaalida Covid-19 lacag dhan ilaa iyo $2m, howlaha ey qabatay Shirkadu waaa ku wan hoos ku xusan.
- Dib u dhiska qeybo ka mid ah Isbitaalka Banaadir, April 24, 2020 ayaa shirkada Hormuud waxaa bilawday dayactirka qeybo ka mid ah Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir kaas oo lagu wado in laga dhigo xaruntii 2aad ee lagu la tacaali lahaa bukaanka uu soo rito xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Dayactirka oo soconay mud ku dhaw 2 billood ayaa soo gabagaboobey 24, June, 2020.
Date: Start date: 25/04/2020 End date: 24/06/2020.
Space and the Building information :
- 22×110= 2 420 square Miter.
- G+1(Ground plus one floor).
- 87 qol oo bukaanka jiif ah
- Qolalka bukaanka waxey qaadan 212 Sariirood oo loogu tala galay bukaanka.
- 40 Suuli oo bukaanka loogu tala galay iyo 15 suuli oo VIP ah
- Guest rooms: 3 plus 2 Suuli iyo kushiinkood.
- Nurse’s room: 4 rooms plus 2 Musqulood.
- Jarajarta cuuryaamiinta/ will chairstairs oo hoos ilaa kor aan hadda usamaynay.
- Koronto gelin kor iyo hoos, cable gaarsiin Qaybaha Oxygen,UN,iyo Sheybaarka.
- Gelinta Firefighting system.
- Intercom system oo bukaanku uwacan karo Nurses-ka.
- Aircondition system… Mukefyo gaarya 100 xabo ayaan gelinay
- Ku wareejin darbiga silig gaaraya 190 mitir.
- Inaan qeybta kasoo jarnay qaybaha kale derbi gaaraya 205mitir.
- Ganjeel gaar u ah qaybtaan ayaan u sameynay.
- Qeybahan la dayartiray oo aan helin wax dayactir ah mudo 30 sano ayaa ku baxday dayactirkooda $500,000 (shan boqol kun dollar) .
- Waxaan gacan ka geeysaney Sameynta Call Centre international standard ah kaasoo aay soo wici karaan si free ah dhammaan dadka Soomaaliyeed,sidoo kale Shirkada waxaa ay telefoonadeeda ku xirtey
- wacyi gelinta xanuunka iyadoo qofkasta oo telefoonka isticmaalaa uu maqlayo wacyigelintaas.
- Shirkada waxaa aay abuurtey number free ah oo aay dadka soo wici karaan si bilaash ah 449.
- Sidoo kale, Shirkadu waxey ku xoojisay laba Ambulance oo la howlgalay howl wadeenada caafimaadka ee dadaalka ugu jira daaweynta iyo la tacaalista bukaanka ow soo ritay cudurka. Labada Abmbulace waxaa lagu wareejiaya maamulka isbitaalka Martiini 23-April.
- Si ay u bogaadiso una dhiirigaliso howsha ey wadaan shaqaalaha iyo howlwadeenada caafimaadka ee cisbitalka Martiini, HSF waxey 187 qof guddoonsiisey lacag dhan $ 31,150 ( sudon iyo kow kun boqol iyo konton). Intaas waxaasii dheer shirkadu waxey ku deeqday shaqaalaha iyo bukaanka ku karantiilan cisbitalka Martiini deeq ka kooban raashin iyo timir horaantii bisha ramadaan
- Sidoo kale, Shirkadu waxaa aay qalab caafimaad ku dalabtay lacag dhan $300,000 ( saddex boqol kun dollar), qalabkan caafimaad waxaa ka mid ahlabo Oxygen plants oo la gayn doono isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo.
- HSF CEO, waxaa loo doortey inuu ka mid noqdo isl markaasna noqday madaxa operationka Gudiga Qaranka ee la tacaalida Covid-19, kaasoo uu shir gudoomiyo PM, oo aay xubno ka yihiin, dhammaan golaha wasiirada, Dhakhaatiirta, bulshada Rayidka, Ganacasatda gudigaas waxaa aay kulmaan habeen kastaa, waxaana HTF CEO, uu ka shaqeeyey in sumcada iyo magaca shirkada aad looga amaano shirka dhexdiisa habeen kastana laga sheego waxqabadka Hormuud Telecom.
- Dhanka kale, si loo yareeyo saamenta dhaqaale ee ka dhalatay codurka Covid-19, waxaa la hirgaliyay barnaamij 10,000 qof oo danyar ah loogu diray $ 10,000 maalintii mudo sodon maalmood, taasoo dhan $300,000 ( Sadex boqol kun dollar ). Waxaa la sameeyey numberka gaaban ee144 si ey iskaga diiwaan galiyaan dadka danta yar ee loogu talagalay in ey ka faa’ideystaan caawinaadan.