Hormuud Salaam Foundation

Education

Plugs

Hormuud T-Scholarship Programs (HTSP)

Sanad waliba Hormuud Salaam Foundation waxey bixisaa 120 deeq waxbarasho Jaamacadeed ah, taasoo loo galo imtixaan loogu tartamo si daah furan. Imtixaanka waxaa soo dejiya isla markaana saxa gudi ka madax banaan HSF, Waxaana loo qaadaa si la mid ah sida intixaanada caalimiga ah loo qaado. Deeqda waxbrasho waxaa loogu kala guuleystaa hadba sida loo kala sare maro, waxaana sanadkii ku baxa lacag dhan $40,000 (afartan kun dollar)

Deeq waxbarasho ee dadka la heybsooco ( SOHEDA)

HSF, waxaa sanad kastaa  ka bixisaa school fees arday gaareysa 100 arday kuwaas oo ka soo jeeda dadka la heyb sooco, waxeyna  dhigtaan Dugsiyada Hoose dhexe iyo Sare,  ee magaalada Muqdisho, waxaana  maamula  Hey’adda SOHEDA, oo ah hey’ad maxali ah u  oo u ololeysa gargaarka iyo caawinta dadka la heyb sooco. 

Hormuud University

Si loo dhiiri geliyo kuliyadaha waxtarka u leh dalka, iyo mustaqbalkiisa , isla markaasna aay yar tahay ardeyda soo dalbata , ayaa shirkada ku bixisaa lacag loogu talo galay in lagu geesinimo galiyo ardeyda dooneeysa ineey soo galaan kuliyadahaas, kuwaasoo kala ah Logistics iyo Geology si loogu dhiiri geliyo ardeyda ineey kuliyadaas soo galaan maadaam uu ka jito yaraan iyo baahi weyn.

Iskuulka Al Nuur for the Blind

Hormuud Salaam Foundation (HSF) waxey si dhameystiran u bixisaa qarashaadka ku baxa dugsiga hoose dhexe iyo Sare ee dadka arga la’ ee Al-Nuur laga soo bilaabo tan iy markii ay la wareegtay masuuliyadiisa dugsigani shirkada Hormuud Telecom sanadkii 2012.  Shirkadu waxey ka bixisaa Dugsiga qarashaada kala duwan sida: waxbarashada, Raashinka, hoyga iyo caafimaadka ardayda. Waxaa intaas sii dheer in shirkada Hormuud ay u dhistey  iskuulka Al-Nuur , Dhismo cusub oo weyn oo ka kooban Fasalo, Degaan, Xafiisyo, Masaajid, iyo qeybo kale oo aay howlaha iskuulka ku qabsadaan, deegaanka Daarusalaam ee Xaafada Daarusalaam.

Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Buruuj

Ka dib markii la arkay baahida weyn ee loo qabo, in la helo dad aqoon u leh qeybaha kala duwan ee farsamada gacanta, isla markaasna la dareemey ineey muhiim tahay in ardeyda ama dhalinyarada loo abuuro shaqo aay si madax banaan ugu shaqeystaan ayaa waxaa la aasaasay dugsiga Farsamada ee Buruuj , kaasoo loogu tala galay ardayda soo dhameysa dugsiyada dhexe ee daneyneysa barashada xirfada gacanta. Barnaamijkan oo soconaya muddo saddex sana ah, ardaygu waxa uu isla dhiganayaa maadooyinka caadiga ah ee Dugsiga sare iyo farsamada Gacanta. Sidoo kale dugsigu waxa uu leeyahay qeyb farsamo gacanta lagu barto mudo kooban oo halsano ah.

Farsamada gacanta ee aay bartaan ardeyda waxaan ka mid ah :

  • Korontada qeybaheeda kala duwan
  • Dhismaha qeeybaheeda kala duwan
  • Makaanikada iyo qeybaheeda kale duwan
  • Alxanka
  • Faryaamo

Dugsigan oo la furay sandkii 2015, waxaa HSF ay ka kabtaa bishii kharashaadka dheerigaga  ah  ee ay u baahan yihiin bishii. Ardeyda dhigata Iskuulka waxaa aay u kala qeybsamaan laba qeybood, oo kala ah mudo kooban oo sanad ah iyo dugsi sare oo farsamo oo 3 sano ah, kuwaasoo gala ama ku biira Jaamacadaha Engineeriyada ee Dalka. 61% Ardeyda farsamada ka bara Iskuulka Buruuj waxaa aay helaan shaqooyin, taasoo ah guul aad u weyn.

English English Somali Somali