Caafimaadka
Hormuud Salaam Foundation (HSF) Xaga caafimaadka waxaa aay ka qaban taa shaqooyin kale duwan oo aan ugu talo galnay inaan ku taageerno hey’adaha iyo goobaha bixiya adeega caafimaadka, ee dalka sida Isbitaalada, MCHs iyo goobaha kale
Dialysis machines Erdogan Hospital ( Ex Digfeer)
Erdogan oo ah Isbitaal weyn oo ay taabo galiso dowlda Turkiga ayaa sanadkii 2017, hayada HSF ay u iibisay 5 machines si ay u sii balaariyaan adeegyada ay u qabto dadk ka xanuunsanaya oo u baahna adeega kilyo dhaqista (dialysis). Isbitaalka iyo HSF waxa ay ku heshiiyeen in dadka Soomaaliyeed ee aan awoodin ineey fee iska bixiyaan aan dib loo celinin oo loo sameeyo adeeg ama daweyn free ah hadba intii suura geli karta.
5 Machine waxaa aay yaalaan hal qol oo aay suran tahay calaamad tusineysa ineey ku deeqdey Hormuud Telecom. Sidoo kale waxaan bixin jirney oo aan Erdogan Hospital qeybtiisa Dialysis ku kabi jirnay kharashaad dheeri ah si ay ugu kaalmeystaan caawinta dadka aan awoodi Karin ineey iska bixiyaan feega.
Ka dib markii culeys naga soo wajahay la tacaamulka hadba maamulka Turkiga ee is bedbedelaya ee Isbitaalka Erdogan, waxaan dadka aan kharashaadka ka bixino u wareejinay Isbitaalka Daarusalaam, dadka oo aay kelyaha ka fadhiyaan oo aan iska bixin Karin kharashaka kelyaha loogu dhaqo, iyadoo mashruucaas aay ka fa’iideystaan dad ku dhow 30 qofood oo aan si joogto ah u bixino kharashak ama feega .
Adeegyada loo qabto 2da MCHs ee Dayniile iyo Gubadley
HSF waxa ay si joogtaa u bixisaa nus mushaarka shaqaalaha ka shaqeeya 2 xarumood oo MCH ah oo ku kala yaala deeganka Deyniile iyo Gubadley, howshan oo si wadajir ah ay u wada fuliyaan HSF iyo hay’ada ICRC oo iyana bixisa haafka kale ee mushaarka shaqaala 2da MCHs ayaa soo bilaabatay 2014,socotana ilaa iyo hada, waxaana maamula hey,adda Bisha cas ee Soomaaliya, waxaana bilaabay hoowshaan allaha u naxariistee walaalkeen Axmedeey Foodeey, Labadaan MCHs, waxaa sanadkii lagu daaweeyaa hooyooysin iyo dhallaan ka badan 40,000 ( afartan kun qofood ama xaaladood).
Ambulance loogu deeqnay Isbitaalka Kismaayo
Hormuud Salaam Foundation waxaa aay ugu deeqdey kuna wareejisay Isbitaalka Kismaayo Ambulance fully equipped ah 24th March 2020, kadib markii ay ka cabteen dadka ku nool deegaankasi baahida ay u qabaan gaadidka Ambulance oo u adeega dadka xanuun ee u baahan in lasoo gaarsiiyo goobaha caafimaadka.
Kuwaasoo mudo dheer ka dib dib usoo celiyay adeegayadii caafimaad ee siin jireen dadweynaha degan magaalooyinkaas .Dhanka kale waxaa jirey in qalab kala duwan loo iibiye Isbitaalada ku yaala magaalooyinka kal ah ,Baydhabo , Kismaayo Dh/Mareeb iyo Beledweyne.
Matooro la siiyey Isbitaalada kala ah
- Isbitaalka Madiino
- Keydsaney
- Garbahaarey/
- Xaawo Cabdi
HSF waxa ay ku deeqday isbitaalada Madiino, Keydsaney, Garbahaarey iyo Xaawo Cabdi Matooro si looga caawiyo xaga korontada, adeegaana waxaa uu suura geliyey in Isbitaalada aay u adeegaan dadka deeganadaa degan habeen iyo maalin si ay u bixiyaan adeeg caafimaad oo joogta ah.
Dad loo taageero si shakhsi ah, oo xanuunsan
Had iyo jeer Hormuud Salaam Foundation waxey kaalmo caafimaad u fidisaa dadka danta yar ee la daala dhacay xanuunada kala duwan isla markaana aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka adeega caafimaad ee ay u baahanyihiin hadey tahay dadlka guduhiisa iyo dibadiisaba. Waxaa si shakhsi ah loo taageeray kudhawaad 2,000 oo qof.
Shidaal joogto loo siiyo Isbitaalka Keydsaneey
Waxaa si joogta ah loo siiyaa isitaalka Keydsaneey shidaal si loo fududeeeyo helista daryeel caafimaad oo joogta ah, arintaan waxaa aay socotey sanooyin badan